387 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager oo sheegay fallaagada TPLF in dagaal kale iisu diyaarinayso

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager oo  sheegay fallaagada TPLF in dagaal kale iisu diyaarinayso
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager ayaa sheegay fallaagada TPLF inuu dagaal kale iisu diyaarinayso, taasina ay muujineyso TPLF iney dan ka lahayn noolosha shacabka labada dhinac.

Guddoomiyaha oo u warramay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee ENA wuxuu sheegay fallaagada TPLF hadafkoodu inuu yahay ‘dalku haddey iyagu xukumin iney burburiyaan’.

‘Fallaagadu iney dagaal kale iisu diyaariyeen oo ay doonayan markale iney ku soo qaadaan deegaannada Amxaarada iyo Cafarta waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta caalamka qaarkood,” ayuu yiri.

Wuxuuna guddoomiyuhu uu ugu baaqay dagaalka ay TPLF dooneyso dalka iney ku soo qaaddo Shucuubta iyo dowlad deegaannada dalkaba sidi ay uga hortagi lahaayeen iney u diyaar garoobaan.

Fallaagada TPLF waxay toddobaadki hore dagaal ku qaadday dalka Eritrea iyaga oo iska caabbin xooggan kala kulmaya ciidamada Eritrea.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya sanad iyo bar ka socda ayaa bilooyin taagnaa kaddib marki ay dowladda dhexe ay xabbad joojin ku dhawaaqday fallagadana ay xabbad joojintaasi ay soo dhaweeyeen.

Maamulka Deegaanka Amxaaradana wuxuu heegan geliyey ciidamada deegaankaasi, iyaga oo shacabkana ugu baaqay iney dagaalka dalka lagu difaacayo iisu diyaariyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post