414 Views

Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha

Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

War rasmi ah oo uu soo saaray Daahir ayuu sheegay in uu sii wadi doono sixitaanka nidaamka dowliga ah.

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post