837 Views

Guddoonka BFS oo kulan la qaatay Taliska booliska Soomaaliya & howlgalka ATMIS

Guddoonka BFS oo kulan la qaatay Taliska booliska Soomaaliya & howlgalka ATMIS
____________________________________________________________________________

Sabti: May 14, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka qeyb galay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee sector1 Gen. William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, xili maalinta beri oo Axad ah lagu wado in xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxtinimada dalka oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

 

 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post