690 Views

Hoggaamiyaha Korea-yada Waqooyi oo sheegay in dalkiisa uu halis ku hayo cudurka Covid19

Hoggaamiyaha Korea-yada Waqooyi oo sheegay in dalkiisa uu halis ku hayo cudurka Covid19
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Kuuriyada Waqooyi, ayaa waxaa si xawli ah ugu dhex faafayaa cudurka safmarka ee Covid19, iyadoo uu sidaasi u sheegay hoggaamiyaha Korea-yada Waqooyi, Kim Jong-un warbaahinta dowladda.

Mr Kim ayaa ku dhawaaqey in dagaal dhan waliba oo lagaga hortago fiditaanka virus-ka ay dowladdiisu qaadeyso, intii lagu guda jirey shir deg deg ah oo dhacey maanta oo Sabti ah.

Hadalkani ayaa yimid kadib markii mas’uuliyiinta ay kiiskii ugu horeeyey xaqiijiyeen Khamiistii, inkastoo khuburadu ay rumeysan yihiin in virus-ka ay u badan tahay inuu wareegayey in muda ah.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurka uu si weyn uu waxyeello weyn gaarsiiyo dalkani Korea-yada Waqooyi.

Dadka dalkani ayaa tiradoodu waxey gaareysaa 25 million, kuwaasoo aad u nugul, maadaama aaney qaadanin tallaal, halka adeegyada caafimaadkana uu yahay mid liito.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post