834 Views

UK oo maganagalya doonadii ugu horreeyey Ruwanda geyneysa

UK oo maganagalya doonadii ugu horreeyey Ruwanda geyneysa
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, ayaa sheegay in 50 qof oo magangalyo doon ah lagu wargeliyey inay noqon doonaan kuwii ugu horreeyay ee loo diro Rwanda, taasoo qayb ka ah siyaasadda dib u dejinta ee dowladda UK uu muranka badan hareeyey.

Johnson ayaa sheegay inuu qorshahan sii wadi doono, inkastoo uu filayo in tillaabo sharci ah oo ka dhan ah arrinkan uu ka dhasho.

Sida uu dhigayo heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore oo ay wada galeen Ruwanda iyo UK, dadka loo malaynayo inay si sharci darro ah ku soo galeen UK ayaa dacwaddooda magangelyo doonnimada Ruwanda lagu eegi doonaa.

Fikirkan ayaa waxaa si weyn u naqdiyay mucaaradka iyo ururrada xuquuqul insaanka.

Warbixin ay siisay BBC-da ayay dowladda UK ku sheegtay in 50 qof ee tahriibayaasha ah lagu wargeliyay, waxaana loo qabtay 14 maalmood iney uga soo warceliaan ama ay ku diidaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post