765 Views

Ukraine (oo og xiliga uu dhamaanayo duullaanka Ruushk

Ukraine (oo og xiliga uu dhamaanayo duullaanka Ruushk
____________________________________________________________________________

a

Sabti: May 14, 2022

 

Madaxa sirdoonka military-ga Ukraine, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka uu gaari doono heer uu wax iska badalo bisha Agoosto, ayna u badan tahay in lasoo afjaro dhamaadka sanadkan.

Wareysi uu siiyey warbaahinta Sky News, Gen Kyrylo Budanov, ayaa sheegay in ‘jabka Ruushka uu bilaaban doono bisha Agoosto’ iyadoo inta badan dagaalka xooggiisana uu dhamaan doono daba yaaqada sanadkan.

“Waxaan dib u qabsan doonnaa dhammaan dhulalkii nalga qabsadey, ee Ukraine sida Donbas iyo Crimea.” ayuu yiri Gen Kyrylo.

Wuxuu intaa ku darey in guul darada Ruushka ay horseedi doonto afgambi ka dhan ah Madaweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaasoo uu ku andacooday inuu horey u socday. BBC-da ma aysan xaqiijin sheegashadan.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey Gen Kyrylo Budanov in Madaxweyne Putin uu ku jiro xaalad nafsi iyo mid jireed, oo uu aad u xanuun sanayo. Warkani iyana lama xaqiijinin.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post