744 Views

Xaalada Dhuusamareeb oo saakay degan

Xaalada Dhuusamareeb oo saakay degan
____________________________________________________________________________

Sabti: May 14, 2022

 

Waxaa saakay degan jawiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, xili shalay uu ka dhacay dagaal xoogleh oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya Ururka Ahlusuna.

Dagaalka labada dhinac ayaa yimid sida la sheegay kadib subaxnimadii hore ee shalay ay gudaha usoo galeen xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb Ururka Ahlusuna dagaalamayaal ka tirsan, taas oo keentay inuu qarxo dagaal culus oo ay ku barakaceyn dadkii deegaanka intoodii badnaa.

Intii uu socday dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu Jira kaas oo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah, waloow khasaaraha ugu badan uu gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ee Galmudug Cabdiraxmaan Geeda Qoroow oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in intii uu socday dagaalka ay ku barakaceyn dad rayid ah islamarkaana uu dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse wuxuu tilmaamay in dadkii ku waxyeeloobay dagaalka dhaawacyadooda la gaarsiiyay goobaha caafimaad ee magaaladaas.

Wuxuu sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay tahay xaaladeyda mid degan, Isagoo ugu baaqay hay’addaha samafalka ee ka howlgala Galmudug in dadkii ku barakacay dagaalka ay kala shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Xaafadahoodii Magaalada ay ka barakaceyn.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falag leh oo isna dhankiisa ka hadlay Weerarka Ahlusuna ay kusoo qaaday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Kooxdaas Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya ay dagaalka kaga itaal roonaadeen islamarkaana ay ku jabiyeen, isagoo xusay in Xubnihii ka tirsanaa Ahlusuna ay ku kala firxadeen Meyga Magaalada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post