798 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

.

Isniin: May 16, 2022

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post