420 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh & Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweyne Xasan Sheekh & Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan gaar ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

labada masuul ayaa kulan koodu ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan sirasmi ah xilka ula wareegin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post