678 Views

Dowlada Turkiga oo Ka Hadashay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Dowlada Turkiga oo Ka Hadashay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud
____________________________________________________________________________

Talaado: May 17, 2022

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal hanbalyo ah u soo diray madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna shacabka u rajeeyay in doorashada ay dalka ku soo dabaasho xasilooni.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa dhinaca kale sheegay in dowladiisa ay sii laba jibaareyso taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku faanay iney ahaayeen dalkii u horeeyay ee wadankan u soo gurmado isagoo qarka u saaran burbur sanadii 2011.

“Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post