603 Views

Imran Khan: ‘Haddii lay dilo, waxaa la baahinayaa muuqaal aan kaga hadlayo cidda i khaarajisay’

Imran Khan: ‘Haddii lay dilo, waxaa la baahinayaa muuqaal aan kaga hadlayo cidda i khaarajisay’
____________________________________________________________________________


Talaado: May 17, 2022

Ammaanka ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii uu sheegay in la qorsheeyey, isku day dil, oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo. Xafiiska ra’iisal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu faray laamaha kala duwan ee dawladda, inay sugaan ammaanka ra’iisal wasaaraha hore, xilliyada uu ku sugan yahay isu-soo baxyada kala duwan iyo shirarka waaweyn.

Xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa abaabulay isu soo baxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo dawladda dalkaas ka arrimisa, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday Imran Khan iyo xukuumaddiisa, waxaana lagu bedelay ra’iisal wasaare Shehbaz Sharif.

“Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

“Waxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo” ayuu sii raaciyey Imran Khan, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan ayaa ku adkaysanaya in lagu ciqaabay, inuu qaatay siyaasad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan wadamada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, taas oo ay ka cadhoodeen safarkii uu ku tegey dalka Ruushka, hase ahaatee Maraykanka ayaa iska fogeeyey eedahaas.

Washington ayaa si joogto ah u diiday eedeymaha ka imanaya ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan, waxayna ku sheegeen inaanay ahayn eedahaasi kuwo sal iyo raad toonna leh.

“Ma aqbalayno dacaayadaha, macluumaadka khaldan iyo in war-xumo-tashiilku uu carqaladeeyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee aan la leenahay Pakistan, oo ah mid aad u wanaagsan” sidaas waxaa yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka Ned Price.

Ra’iisal wasaaraha xilka Pakistan haya Shehbaz Sharif iyo xukuumaddiisa ayaa sidoo kale si adag u beeniyey eedeymaha shirqoolka shisheeye ee Khan oo ay ku tilmaameen mid siyaasadeysan.

Khan ayaa wacad ku maray in uu boqolaal kun oo qof isugu soo uruurin doono caasimadda qaranka ee Islamabad, bishan gudaheeda, si ay isugu soo baxaan bannaanbaxyo ilaa laga gaadhayo doorasho cusub.

Hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta dalka Pakistan ayaa keentay in saamiyada suuqyadu ay hoos u dhacaan. Lacagta Rupee ee Pakistan ayaa maraysa heerkii ugu hooseeyay, waxaana si xawli ah u yaraaday kaydkii sarifka lacagaha qalaad, taas oo cadaadiska ku sii kordhisay xukuumadda Shehbaz Sharif oo ay ku midaysan yihiin xisbiyo siyaasadeed.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post