867 Views

laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad

laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad
____________________________________________________________________________

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.

Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post