459 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweynihii hore oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweynihii hore oo kulan gaar ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Waxa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday kulan ay yeesheen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya ee Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Sida illo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ay sheegeen labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, iyadoo la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillaahi Ciise.

Madaxweynaha cusub oo hadda degan hoteel ku dhaw garoonka Aden Cabdulle ayaa la filayaa in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Ka hor la wareegitaanka Villa Somalia ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sii wadi doonaa wadatashiyada kala duwan, iyada oo laga sugayo in uu soo Magacaabo Ra’iisul Wasaarihii bedeli lahaa Maxamed Xuseen Rooble.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post