585 Views

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Imaaraadka?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Imaaraadka?
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ayaa Maanta Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaloya Ambassador Muhammad Ahmed Othman.

labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iuo Imaaraadka iyo doorka ay Imaaraadka ka qaadan karto gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay Safiirka sida Imaaraadka Carabta ay u garab taagan tahay dowladda Somaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan taageerada ay siiso Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland uu la kulmay Safiirka Kenya ee Soomaaliya, waxaana labada dowladood ee Imaaraadka & Kenya dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu khilaaf kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya intii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post