498 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirada Sacuudiga & Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirada Sacuudiga & Qatar
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa salaan iyo Hambalyo ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu la gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga majad celiyay Safiirka Sacuudiga taageerada ay siiyaan dowladda, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal.

Dhinaca kale Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.

Hassan bin Hamza Hashem ayaa salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha, waxaana uu ugu hambalyeeyay, guusha uu ka gaaray, doorashadii ka dhacday magaaladda Muqdisho ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay .

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamada uu la yeelanauo Wakiilada Beesha Caalanka, iyada oo uusan weli xilka la wareegin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post