390 Views

Cutubyo kamid ah Askarta Ukrain oo isku dhiibay Ciidamada Ruushka

Cutubyo kamid ah Askarta Ukrain  oo isku dhiibay Ciidamada Ruushka
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 19, 2022

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul. Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa saxaafadda u sheegay in tiradan ay ku jiraan illaa 694 oo ciidan ah oo isasoo dhiibay 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Saraakiisha dalka Ukraine may xaqiijinin tiradaasi. Wasiirka ku xigeenka difaaca ee Ukraine Anna Malyar ayaa sheegay in ka badan 260 dagaal yahan inay ka tageen burburka wersheddii birta ahayd ee Azevstal, iyaga oo isu dhiibay ciidamada Ruushka.

Ruushku wuxu hawlgalkaas ku tilmaamay is-dhiibis aad u ballaaran, hase ahaatee Ukraine ayaa dhinaceeda ku sheegtay tallaabadan  ciidamada Ukraine inay dhamaystireen hawshii loo igmaday.

“Hadafku wuxuu ahaa in ciidankani uu si geesinimo leh uga difaacay cadawga inay gacanta ku dhigaan magaalada Mariupol, sidoo kalena aanay u ogolaan inay marin ka dhigtaan” sidaasi waxaa sheegay duqa magaalada Mariupol Vadym Boychenko oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda la hadasha Ukraine, wuxuuna intaas sii raaciyey “tallaabadaasi waxay badbaadisay qaranka, waxay fursad u siiyeen in ciidanka dalka Ukraine ay is abaabulaan, iyo weliba magaalooyinka kale, si ay ugu diyaargaroobaan dagaalka ba’an” ayuu yiri.

Ma cadda waxa ku dhici doona dagaalyahannada Ukraine. Sarkaal Ruush ah ayaa shaki galiyay in maxaabiista la is weydaarsanayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post