393 Views

Kulan dhex maray Madaxweyne Siciid Deni iyo shir-guddoonka golaha wakiilada ee Puntland, Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil iyo labdiisa ku-xigeen.

Kulan dhex maray Madaxweyne Siciid Deni iyo shir-guddoonka golaha wakiilada ee Puntland, Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil iyo labdiisa ku-xigeen.
____________________________________________________________________________

Khamiis: dSEPTEMBER 22, 2022

Waxaa habeenkii xalay ee Arbacada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe isugu tegay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo shir-guddoonka golaha wakiilada ee Puntland, Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labdiisa ku-xigeen.

Sida Horseed Media ka soo xigatey ilo ku dhaw shirkan ayaa yimid kadib markii dhawaan uu dalka ku soo laabtey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo jooga garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayuu sheegay in 8 Janaayo 2024 dalku doorashada Madaxweynaha aadi doono.

Sidoo kale waxa uu maalintii Isniinta ku dhawaaqey fadhi ay yeelanayaan xildhibaanada golaha wakiilada taariikhdu markey tahay 26, September 2022.

Xogta Horseed media ka heshay shirka ayaa sheegaysa in Madaxweyne Siciid Deni waxa ugu weyn ee kala hadley shir-guddoonka in ay tahay in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo ururo lagu tartamo iyagana laga doonaayo in ay arintaas kala shaqeeyaan. Madaxweynahu marna lama soo qaadin kulanka ay xildhibaanadu isugu imaanayaan Isniinta.

Isbeddelka uu soo wado

Siciid Deni ayaa u sheegay shir-guddoonka in ka hor maalinta Isniinta ah uu ku dhawaaqi doono Golihii adeega garsoorka, ama maxkamadda sare, sidoo kale uu sameyn doono isku-shaandheyn kooban oo xukuumaddiisa ah.

Xogaha Horseed soo gaaraya ayaa sheegaya in isku shaandheyntu ay saameyn doonto wasiirada wasaaradaha:

  1. Caddaaladda iyo arrimaha diinta,
  2. Caafimaadka iyo adeega bulshada,
  3. Waxbarashada, tacliinta sare iyo bar-baarinta,

Sidoo kale waxay saameyn doonto wasiiro ku-xigeeno iyo agaasimayaasha qaarkood. Waxaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo isbeddelkaas ka hor maalinta Isniinta ee soo beegan sida xogtu sheegayso.

Qaar kamid ah dadka sida dhaw ula socda siyaasadda Madaxweyne Deni ayaa Horseed media u sheegay in madaxweynuhu hadda iyo wixii ka danbeeya uu soo dhaweynayanaayo cidkasta oo uu aaminsan yahay in ay kala shaqeyneyso barnaamijka uu wado ee ururada siyaasadda iyo in Puntland isbeddel siyaasadeed hesho,

Hase yeeshee, caqabadda ugu weyn ee hadda haysata Madaxweynaha ayaa ah in isaga la bartey oo uu kamid yahay casharadii Puntland uga kordhay doorashadii hordhaca ahayd, waxaana aad u yar aamindaa la isku qabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post