261 Views

Shirka Golaha Wasiirrada Jubaland oo looga hadlay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Shirka Golaha Wasiirrada Jubaland oo looga hadlay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: dSEPTEMBER 22, 2022

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada Jubaland oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada la dhanka ah argagixisada. 

Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo Dowlada ee howlgalada ka dhanka ah argagixisada sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada. Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.

1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post