306 Views

Dagaalkii ka socday Hiiraan oo caawa Maqribkii soo gaaray iyo ku dhawaad 50 kooxda Al-shabaab oo lagu dilay

Dagaalkii ka socday Hiiraan oo caawa Maqribkii soo gaaray iyo ku dhawaad 50 kooxda  Al-shabaab oo lagu dilay
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa in ka badan 40 ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35KMT dhanka bari kaga beegan magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan,sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u xaqiijiyey Taliska Ciidanka Xoogga.

Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada isgarabsanaya oo haayay xogta weerarka Argagixisada ayaa gaarsiyeen jab xoogan iyada oo Ciidamadu ay wali ku raad joogaan Firxadka Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post