402 Views

Madaxweynaha dalka Iran Ibraahim Ra’isi oo ka digay iney dowladdiisa oggolaaneyn rabshado dalka ka dhaca.

Madaxweynaha dalka Iran Ibraahim Ra’isi oo  ka digay iney dowladdiisa oggolaaneyn rabshado dalka ka dhaca.
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Madaxweynaha dalka Iran Ibraahim Ra’isi ayaa ka digay iney dowladdiisa oggolaaneyn rabshado dalka ka dhaca.

Ra’iisi wuxuu sheegay haddii rabshadaha dalka ka socda ay istaagi waayaan uu ku qasbanaanayo ciidamada amniga inuu amar ku siiyo soo afjariidda rabshadaha labada toddobaad soconaya.

Dalka Iran waxaa ka dhacaya mudaharaadyo rabshada wata oo salka ku hayo haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo dhimatay.

Geerida Mahsa Amini ku timid laba toddobaad ka hor waxay horseedday in dalka Iran oo dhan ay ka dhacaan dibadbaxyo marki dambe iisu baddalay kacdoon guud oo looga soo horjeeda nidaamka dalka Iran ka arrimiyo.

Tan iyo marka ay dalka Iran ka billowdeen mudaharaadyada rabshadaha wata waxaa dhintay dad ka badan 70 qof, iyada oo laamaha ammaankana ay xirxireen dad ka badan 1,200 oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post