1125 Views

Boqolaal qof oo laga masaafuriyey Laascaanood oo gaarey Magaalada Gaalkacyo

Boqolaal qof oo laga masaafuriyey Laascaanood oo gaarey Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Axad: October 3, 2021

Guddoomiyaha Mudug ee maamulka Puntland, Cabdilatif Muuse Nuur (Sanyare) oo la hadlayey BBC-da, ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen dadkii laga soomasaafuriyey magaalada Laascaanood, kuwaasoo in muda ah aanan helin biyo iyo cunno.

Guddoomiye Sanyare, ayaa intaa ku darey iney dajin doonaan dadka tarxiilka ah magaalada Gaalkacyo ee ay soo gaareen.

Sanyare ayaa carabka ku adkeeyey inaaney dadkani gali doonin xeryo qaxooti, balse ay ku dadaali doonaan sidii noloshooda usii wadan lahaayeen.

Tirada rasmiga ah ee laga soo tarxiiley magaalada Laascanood wali lama ogga, iyadoo dadka lasoo tarxiiley ay yihiin dad kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post