27 Views

Maxay ka dhigan tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u diray maamul goboleedyada?

Maxay ka dhigan tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u diray maamul goboleedyada?
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay madaxda maamul goboleedyada dalka ‘in aysan siyaasadayn arrimaha muhiimka u ah qaranka’ oo ay ka mid yihiin midnimada, madaxbanaanida, qaranimada, amniga qaranka iyo badqabka muwaadiniinta.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan uu baaqday kulan ay u ballansanaayeen labada dhinac, sidoo kalena uu madaxweynaha khilaaf kala dhaxeeyo maamulka Puntland.

Warbixin ku saabsan qoraalka xalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha iyo waxa uu ka dhigan yahay waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdicasiis Axmed Barrow.

Xigasho: VOA

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post