39 Views

Taliyaha CXD oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Taliyaha CXD oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi  uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka khawaarijta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas  ay xilli waliba  diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Xoraynta dalka iyo horumarka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post