1248 Views

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 – Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment