1134 Views

Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida Oo Ka Socota Jabuuti

Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida Oo Ka Socota Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Madasha aragti wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa goordhaw ka furmay Guriga Ummadda ee dalka Jabuuti.

Shirkaan ayaa sanadkaan waxaa lagu lafa gurayaa kaalinta Soomaalida ee Nabadda geeska Afrika, waxaana ka qeyb gelaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socta dowladda Soomaaliya, dowladda Jabuuti, dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socta dhammaan deegaannada Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkaan ku metelaya Wasiirro iyo xildhibaanno, kuwaas oo la filayo in ay khudbado ka jeediyaan Madasha.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment