843 Views

Maxay tahay farriinta uu Abiy Axmed u diray Shacabka Itoobiya?

Maxay tahay farriinta uu Abiy Axmed u diray Shacabka Itoobiya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 03, 2021–Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas ee ku nool qurbaha inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah isla markaana ay ka hortaggaan arrintaas.

“Waxaan idiin kuugu baaqaya in aad ka hortagtaan wararka been abuurka ah ee ku saabsan in beesha caalamka loo sheego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka” ayuu Abiy kusoo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Hadalka Abiy ayaa imaanayaa xilli dhawaan hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas kaddib markii cod laga soo duubay lasoo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baaro waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post