342 Views

Dr: Cabdiraxmaan Baadiyow “ 48 sano ka hor , 23 Jinaayo, 1975 waa markii la laayay culumada Somaliyed. Dika culumadaas waxaa la bilowday fikirka xagjirka oo maanta taagan Dowladii militeriga ayaa mas’uuliyadaas iska lahayd.

Dr: Cabdiraxmaan Baadiyow “ 48 sano ka hor , 23 Jinaayo, 1975 waa markii la laayay culumada Somaliyed. Dika culumadaas waxaa la bilowday fikirka xagjirka oo maanta taagan Dowladii militeriga ayaa mas’uuliyadaas iska lahayd.
____________________________________________________________________________

Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow  oo ah Lataliyaha  Arimaha Dastuurka ee Madaxweyhaha Soomaaliyan, ahna aqoonyahan wax badan ka qoray xaalada dalka Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay ka soo bilaabmeen kooxa argagixisada ah ee sheeganaya iney udagaalamayaan magaca diinta Islaamka oo khawaariijta ah.

Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow  ayaa sheegay in qalad ay gashay  48 sano ka hor, dowladii militariga iyo dilkii culumada  ay tahay maalin murugo leh oo la dilay 10 Sheikh, xabsiyadana dhigtay boqolaal kale.

Baadiyow  ayaa sheegay in Culumadaas ay ka hor yimaadeen xeerka qoyska oo Islaamka ka soo horjeeday. Waa in khudbadaha jimcaha iyo TV lagu xusaa, lana joogteeyaa xuska maalinta difaaca Qur’aanka iyo shareecada Islaamka. Ilaaheey ha u naxariisto dhamaan Culumadaas.

Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow  ayaa sheegay in diinta islaamka oo dowladii militeriga ay suurad xumaysay ay ka dilaaceen kuwa haatan diinta sida qaldan dadka ugu laynaya.

“48 sano ka hor, 23 Jenaayo 1975 waa maalin murugo leh oo dowladii kacaanku dishay 10 Sheikh, xabsiyadana dhigtay boqolaal. Culumadu waxay ka horyimaadeen xeerka qoyska oo Islaamka ka soo horjeeday. Waa in khudbadaha jimcaha iyo TV lagu xusaa, lana joogteeyaa xuska maalinta difaaca Qur’aanka iyo shareecada Islaamka. Ilaaheey ha u naxariisto dhamaan”: ayuu Mar kale yiri Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow oo eeda dusha uga Tuuray Dowladii Kacaanka oo uu hogaamin Jiray Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Sidoo kale waxa uu sheegay baadiyow in taariiq ahaan Khawaariijta sida qaldan diinta u Fasirta ay soo bilaawdeen Xiligaas, oo uu sheegay in Diinta islaamka ay ku Xad Gudbeen Xubnihii hogaamin Jiray Dowladii kacaanka, asaga oo sheegay in aysan marna soo boodin kooxdaan balse ay xiligaas abuurmeen.

Dhinaca kale waxa uu sheegay baadiyow in Masaajidkii ugu wanyaa somaliya ee Cabdulqaadir ee ku yaala Xamawayne  oo ay dhaheen Culumada Xeerkan Qoyska diinta ma waafaqsano ee halaga laabto  wixii ka dhacay waala ogaa in Culumadii la laayay, oo Masaajidka laga watay aysana  jirin Xiligaan wax xushmad iyo Xusuus loo sameeyo, taasi oo uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado.

“ Culumadaas waxay ka caroodeen markii la yiri raga iyo Dumarka dhaxalka waa u siman yihiin,  oo uu ka Yiri Stadiom Konis, kadibna Culumo ay dhaheen war saan maahan Diinta islaamka oo ay Nabadsugida u dhacday kadibna la Geeyay iskul Buluusiya oo dadka daawanaya la laayay Culumadam, oo aysan jirin dad ka hadlay oo Yiri sidaan Xaq maahan”ayuu mar kale Yiri Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow.

Abdihakim Elmi

Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post