1689 Views

Dowladda Soomaaliya oo taageero u muujisay dowladda Sucuudiga

Dowladda Soomaaliya oo taageero u muujisay dowladda Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 15, 2018 —Dowladda Soomaaliya ayaa markale taageero u muujisay dowladda Sacuudi Carabiya ka dib markii Caddaadis ay saareen Qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” ayuu lagu war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dowladda Sucuudiga ayaa wajaheysaa Caddaadis ku aadan Wariye Jamaal oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sucuudiga ee Magaalada Istanbuul, waxaana dalalka reer galbeed ay ku tilmaameen tilaabada Sucuudiga mid ka baxsan Sharciga.

z222

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment