1143 Views

Maxaa maanta ka soo kordhay Coronavirus?.

Maxaa maanta ka soo kordhay Coronavirus?.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Madaxweynaha Iiraan ayaa ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ay dib u bilaaban doonaan laga bilaabo Abriil 11 waddamada Bariga Dhexe ee sida xun ay u saameeyay cudurka ‘coronavirus’.

 

Tirada dhimashada Iran ee Covid-19 ayaa gaartey 3,603, iyadoo in kabadan 58,000 la xaqiijiyay kiisaska laga soo sheegey wadanka.

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in Mareykanka uu galayo waxa uu noqon karo “tii ugu adkeyd” toddobaadkan iyadoo tirada kiisaska coronavirus-ka ee dalka ay kor u dhaafeen 300,000 qof gudaha dalkaasi.

 

Spain, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta waxa ay kordhiyeen xayiraadaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada waxa ayna dalbanayaan in la xakameeyo fayraska, halka Kuwait iyo Georgia ay soo wariyeen dhimashadoodii ugu horreysay ee COVID-19.

 

Guud ahaan, tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 60,000 qof guud ahaan Caalamka, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay Maraykanka, tirada dadka Caabuqu ku dhacay ayaa kor u dhaafaya 1.2 milyan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment