1437 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Itoobiya

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa daah-furay kulan tobabar ah oo lagu laga ga hadlaayey dhiiri-gelinta Maal-gashiga kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Adduunka.

 

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Adis-Ababa, ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana ka wada qeyb-galay dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,iyada oo diiradda lagu saarayo sida loo horumariyo dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga.

 

 

 

Agaasimaha, ayaa safarkiisan shaqo waxa ku wehelinaayey Madax ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo halkaas u jooga siddii kor looggu qaadi lahaa dedaalka Wasaaradda ee ku aadan in dalka loo soo jiido Maal-gashadayaal Caalami ah iyo kuwo Gudeed ba.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment