1368 Views

Hogaamiyaha Xisbiga talada haayo ee Taiwan oo is casishay

Hogaamiyaha Xisbiga talada haayo ee Taiwan oo is casishay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2018 –Madaxweynaha Jasiirada Taiwan ahna hogaamiyaha Xisbiga talada haaya ee Jasiirada sheegata in ay shiinaha ka madax banaantahay ee Taiwan marwada lagu magacaabo Tsia Ing ayaa iska casishay hogaaminta xisbigaasi.

Madaxweyne Tsia ayaa sheegtay in ay isku casishay sababa la xiriira doorashada xiliga dhexe ee Jaziiradaasi oo ay rajo fiican ka qabtay balse ay usoo baxday in sida ay fileysay aynan wax noqon oo ay ku fashilmeyn.

Maalinimadii shaley aheyd ayey iyada oo matalaysa xisbiga talada haaya Jaziiradaasi ayey dhiibatay codkeeda iyadoo sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah uu noqon doono mid ay ku farxaan si kasta oo uu ahaadaba maadama ay ku kalsoontahay sida ay sheegtay codka shacabka Taiwan.

Xisbiga kale ee Shiina sida hoose u taageera ee Mucaaradka ah ayaa u muuqda in natiijo fiican uu kasoo hoyiyay doorashada xiliga dhexe ee Taiwan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment