402 Views

Dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray gobolka Galgaduud

Dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya deegaannada laba galle, Balicad , Bali-Sonkor iyo laanjaamac ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay saaka dagaal u dhaxeeya beelo halkaa wada dega.

Wararka ayaaa sheegya in dagaalka uu dalka ku haayoaano qabiil, ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan afar qof sida ay noo sheegeen dad aan la hadalnay.

Deegaannada dagaalku ka dhacay ayaa ah aag aan kala fogeyn oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, waxaana la soo warinayaa in dagaalku hadda istaagay, balse meleeshiyo beeleedkii ay wali is hor-fadhiyaan.

Nabadoon Axmed Cabdi Cali oo ka soo jeeda degmada Cadoo ayaa ka hadlay colaada waaxaana uu sheegay in isaga waxgarad kale ay ku baxayaan daminta colaada haalkaas ka taagan.

Dhowr Jeer ayaa deegaannadaas dagaallo ku saleysan qabiil ka dhaceen kuwaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhawaacba lahaaa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post