2025 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in Madaxda maanta dalka laga qabto

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in Madaxda maanta dalka laga qabto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dalka uu ku socdo meel halis ah, islamarkaana loo baahan yahay in la badbaadiyo.

Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda maanta joogta ay u baahan yihiin in gacmaha la qabto oo lala taliyo si uusan dalku u burburin.

Hadii aan dalka laga qaban Madaxda maanta ayuu sheegay in dhibaatooyin badan oo Muddo dheer socda dhalan doonaan uuna ugu baaqayo Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo Wadajir.

Waxaa uu ka mid ahaa Wafdi ballaaran oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, islamarkaana gaaray Kismaayo ka dib markii Saacado kooban lagu xayiray Garoonka Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment