3744 Views

DABAALDEG LAGU FARXAAN ARKI JIRAY EE MA ARKIN WELIGAY KANOO KALE!!!

DABAALDEG LAGU FARXAAN ARKI JIRAY EE MA ARKIN WELIGAY KANOO KALE!!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 12, 2016  – Waa ereyadii qof Dumara oo waayeel ah oo lagu dhibay Goob ay joogeen Ciidamada Amaanka, waxayna tiri “waxaan arki jiray dabaaldeg lagu farxo ee weligay ma arkin kanoo kale”!!!

Waxaa manta loo dabaal degayaa Sanad guuradii CIIDANKA XOOGA DALKA SOMAALIYEED, mana aha mid ay shacabka soo dhaweyeen, sababtuna waxay tahay Aqoondaro ka timid Saraakiisha Amaanka iyo qaabka loo sugayo Amaanka.

Aqristow Saakay Muqdisho iyo Nawaaxigeeda waxaa aad loogu dhib qabaa in ay Shacabku si XOR ah u gutaan Howlahooda maalmeed, waxaana aad loo adkeeyey isu socodka Shacabka iyo in ay ka soo adeegtaan Suuqyada ka fog deegaanadooda.

Waxaa aad looga Cabanayaa QAABKA ay Ciidamada Amaanka Shacabka ula dhaqmaan ama habka loo baarayo Shacabka oo ay kala KULMAAN HANDADAAD IYO IXTIRAAM XUMO aysan mudnayn, Taasina waxay dhalisay in Shacabku ay DHIBSADAAN markii ay maqlaan waxaa jira DABAAL DEG Dowladeed.

Ugu dambayn ma aha Shacabka in uu dhibsado ama Ka NOXO markii ay maqlaan waxaa jira dabaaldeg dowladeed ee waa in ay Shacabka la qaybsadaan FARXADA DABAALDEGA Wilasha iyo Gabdhaha ay dhaleen ee ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed, mana aha in wal wal iyo jahawareer lagu abuuro Shacabka danyarta ah ee u soo kalahay sidii ay u maareyn lahaayeen Noloshooda maalmeed.

Waana WAAJIB saaraan Dowlada iyo SARAAKIISHA Amaanka in ay sugaan Amaanka, iyadoo ay Shacabku ugudanayaan howlahooda si Faxad iyo Amaan ah, waayo dadka intooda badan waxay ka imaanayaan Xaafado ka fog meelaha ay ka shaqeeyaan, waana in Lala Xisaabtamo Askarigii si qaldan ugu Xad gudbo XUQUUQDA Muwaadinka Somaaliyeed ee ay waajib tahay in si Sharaf ah loo ilaaliyo Dhiigiisa iyo Dhaqaalahiisa.

.

.

Qararanimo Online | Muqdisho

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment