876 Views

Ciidanka dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal ka wada degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe

Ciidanka dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal ka wada degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Burundi oo qeybta ka ah howlgalka ATMIS waxaa ay maanta ay howlgal ka wadaan deegaano hoos yimaada degmada Mahadaaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa la sheegay in Ciidamada oo is garabsanaya ay howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab ay ka wadaan deegaano ku teedsan Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo dhawaan dagaal culus kula wareegay saldhig Ciidanka Burundi ay halkaas ku leeyihiin.

Waxaa jirta cabsi xoogan oo ay qabaan dadka deegaanka ku ah degmada Mahadaay si gaar ah kuwa degaanka Ceelbaraf, taas oo la xiriirta in dagaal xoogleh uu ka dhaco halkaas oo u dhaxeeya Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Burundi oo is garabsanaya iyo dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, maadama Al-shabaab la sheegay in kooxda Al-shabaab aysan ka dheereyn deegaanka Ceelbaraf oo ay ku sugan yihiin hareera heeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay degmada Mahadaay iyo deegaanada ku teedsan ay ku arkayaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS oo si aad ah hubeysan islamarkaana watada gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kale duwan, iyagoo sheegay inay baaritaano ku sameenayaan waddooyinka iyo xaafadaha qaar.

Maamulka degmada Mahadaay oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee G/Sh/Dhexe ay ku barakaceyn dadkii deegaanka intoodii ugu badnaa, isagoo xusay inay u barakaceyn deegaano duleedka  ka ah degmada Mahadaay iyo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka ku nool degmada iyo hareera heeda ay wajahayaan xaalad dhibaato ah islamarkaana ay u baahin yihiin gurmad ay la soo gaaraan Hay’adaha gargaarka iyo dowladda dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post