327 Views

Brazil oo ka bilaabatay codbixinta wareega koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi

Brazil oo ka bilaabatay codbixinta wareega koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Dalka Brazil, waxaa ka bilaabatay codbixinta wareega koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, taas oo madaxweynaha xisbiga midigta fog ee , Jair Bolsonari uu ku doonayo in mar kale la doorto.

Madaxweyne Bolsonaro ayaa tartan kala kulmaya musharaxa Luiz Lula da Silva, kaas oo sided bilood ku jiray xabsi sababo la xiriira eedeymo musuq-maasuq oo loo haystay.

Waxaa loo ogolaaday inuu tartamo kadib markii ay maxkamadda sare ay laashay xukunkii lagu riday, wuxuuna haatan saameyn weyn ku leeyahay doorashooyinka dalkaasi Brazil.

Madaxweyne Jair Bolsonaro ayaa durbaba shaki galiyay hufnaanta doorashada, isagoo aan soo bandhigin wax cadeyn ah.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post