1440 Views

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL April 03, 2019 –Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay magacaaboda Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Maxamed C/llaahi, kaasoo magacaabidiisa ku yimid Guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu leeyahay khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa Guddiga soo xulida ninka noqonaya Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, inkastoo uu haatan noqday ninka loo xushay xilkaas.

Waxaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer, waxaa la sheegaa inay saaxibo dhow yihiin Ra’iisuo Wasaare Kheyre, waxaana uu heystaa dhalashada dalka Norway, waxaa uu ka soo shaqeeyay hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

Magacaabidan Muwaadinkan ee xilka Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ayaa meesha ka saareysa hadal heyntii ku saabsaneyd in xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka Xeerka Baniga Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment