279 Views

Madaxweyne Xasan shekh oo ka tacsiyeeyay geeridda Nabaddoon Cilmi Xagar Guure reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan shekh oo  ka tacsiyeeyay geeridda Nabaddoon Cilmi Xagar Guure reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 29, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo argagixisada ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira khawaarijta Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa ka xoreeyo argagixisada iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa ka difaacaya argagixisadan khawaarijta ah. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada, deegaan kastana kaga kici doonaan, iyagoo isu abaabulay joojinta gumaadka iyo addoonsiga ay ku hayaan argagixisadu dadkeenna la dhibaataysan abaaraha iyo saboolnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku shahiiday howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan socda, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post