789 Views

Nin tooray ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen

Nin tooray  ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Nin ayaa toori ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen gudaha magaalada Tokyo ee caasimadda Japan, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 10 qof.

Ninkan ayaa booliska u sheegay in uu ka xanaaqay haween faraxsanaa oo tareenka la saarnaa isla markaana uu damcay in uu laayo, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Markii uu ninkan weerarka fulinayay, tareenka wuxuu marayay meel u dhaw magaalada Seijogakuen.

Sida ay sheegeen baarayaasha, ninka lagu tuhunsan yahay weerarka in uu ka baxsaday goobta inkasta oo markii booliska Tokyo ay Sabtidii xaqiijiyeen inay xireen nin 30 jir ah balse ma aysan xaqiijin wararka ku saabsan in la xiray ninka rakaabka tooriyeeyay.

Inkasta oo Japan uu kamid yahay waddamada ugu nabdoon adduunka, waxaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro lagu fuliyay toori.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post