552 Views

Xukuumadda Somaliland oo kulan la qaatay Guddi dhex-dhexaadin ah

Xukuumadda Somaliland oo kulan la qaatay Guddi dhex-dhexaadin ah
____________________________________________________________________________

Sabti Julay  2, 2022

Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulantay Guddi isku dhaf ah oo isku xilsaaray dhex-dhexaadinta khilaafka muddooyinkii ugu dambeeyay xoogeystay ee u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland kaas oo salka ku haya qabashada dorashada madaxtinimo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Golaha Guurtida iyo Madaxdhaqameedka Somaliland, ee u xil-saaran dhameynta khilaafka ka dhex alloosan Xukuumadda Biixi iyo Mucaaradka.

Wasiirka ayaa xubnaha Guddiga ka dhageystay warbixin la xiriirta eedeymaha Mucaaradka ay y jeedinayaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhankiisa Wasiir Kaahin, wuxuu Guddiga u sheegay in warbixintooda uu u gudbin dooni xafiiska Madaxweynaha, isagoo xusay inay muhiim tahay in la dhameeyo khilaafka taagan.

Xubnaha mucaaradka ee Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saaraya in bisha November ee sanadkaan la qabto doorashada madaxtinimo, xili Muuse Biixi xilka Madaxweynaha loo doortay 21-kii bishii November ee sanadkii 2017-kii.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post