558 Views

Wafdi ka socdo Dowladda Soomaaliya oo ka qeeyb gelayo Shir Madaxeedka IGAD

Wafdi ka socdo Dowladda Soomaaliya oo ka qeeyb gelayo Shir Madaxeedka IGAD
____________________________________________________________________________

Talaado: July 05, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa  magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka  IGAD oo maanta ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh  Maxamuud

Shirka ay IGAD maanta yeelanayaan ayaa la filayaa in looga hadlo xal u helidda khilaafka I dhaxeeyo wadamada Itoobiya iyo Suudaan, iyo Abaaraha baahsan ee ka jira Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post