792 Views

Shirkii arrimaha doorashooyinka federaalka iyo dowlad goboleedyada oo galay maalintiisii labaad

Shirkii arrimaha doorashooyinka federaalka iyo dowlad goboleedyada oo galay maalintiisii labaad
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Waxaa magalada Muqdishi maalintiisii labaad saakay ka bilaawday Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib shalay markii uu  si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billaabmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in manta lagu wada in arimo badan oo ku aadan doorashooyinka looga hadlo, maadaama shalay uu ahaa shirka mid hordhac ah oo is waraysi oo kaliya.

Sidoo kale  waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo dhammaantood looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post