810 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 08, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo Maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo deris ah oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Ugu dambeyn Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ku adkeynayaan in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post