3495 Views

Indha Cadde ”Qataro Amni ayaa ka dhici kara Muqdisho inta ay socdaan doorashooyinka”

Indha Cadde ”Qataro Amni ayaa ka dhici kara Muqdisho inta ay socdaan doorashooyinka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 5, 2017 – General Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, Wasiiru dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya, ayaa ka hadlay ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli Ururka Shabaab, Isniintii aynu soo dhaafnay ay ka geysteen Muqdisho labo qarax oo Ismiidaamin ahaa.

Indha Cadde, ayaa sheegay inuu jiro dadaal fara badan oo Dowladda Federalka Somaliya ay ku bixinayso suggida ammaanka caasimada oo la filaayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa inay ka dhacaan todobaadka soo socda, kadibna loo diyaargaroobo mida Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay masuuliyada ugu weyn in laga doonaayo dowladda inay ammaanka ku sugto, islamarkaana guddi gaar ah loo xil saaro ka shaqeynta ammaanka.

Xoogaga Shabaab ayuu sheegay xilligaan inay isku dayayaan carqaladeynta ammaanka Muqdisho oo ay doonayaan inay ka geystaan falal qal qalgelin kara doorashada.

“Arrinta amniga waa arrin u baahan dedaal badan, culeyska ugu badanna in lageliyo ay tahay, waana waqti ay nimanka cadowga ah rabaan iney qalqal geliyaan doorashada, dowladda koley amniga qorshe ayeey ka sameysatay dedaalka dowladana ma ahan mid yar, waxaa loo baahan yahay in amniga la adkeeyo xilligaa doorashooyinka, guddi loo xilsaaray ayaaba jira, marka koley waa in dedaalka lasii xoojiyaa.” Ayuu yiri Indha Cadde oo Wareysi siiyay Goobjoog.

Xoogaga Shabaab Magaalada Muqdisho meel muuqata kagama sugna, hadana waxa ay geystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Ciidamada dowladda oo taag taagan wadooyinka Muqdisho ayeey dhacaan falalka amnidarada, taasi oo dadka amniga Odorasa ay ku micneeyaan inay yar tahay xogta dowladda ay ka hesho qaraxyada Shabaabka ay abaabulaan, marka la eego dhanka Sirdoonka.

.

.

Xigasho: Horumar Online

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment