90 Views

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka xannaanada Xoolaha

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka xannaanada Xoolaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

Xubnaha Guddiga oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa Wasiirka si gaar ah wax uga waydiiyay shuruucda xannanada Xoolaha iyo kobcintooda, maaraynta mashaariicda caalamiga ah iyo sida looga faa’iideeyo dowlad Goboleedyada, hannaanka ka faa’iideysiga xoolaha nool, qorshaha Wasaaradda ee reer guuraaga xoolohooda ku waayay fatahaadihii dalka ka dhacay iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa mid mid uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen xubnaha Guddiga, waxaana lagu ballamay wadashaqayn dheeraad ah iyo isla xisaabtan iyada oo lagudanayo waajibaadka Qaranka.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post