972 Views

Qoor Qoor oo guddi xaqiiqo raadin u Magacaabay Dilkii Galkacyo loogu geestay shekh cali dhere

Qoor Qoor oo guddi xaqiiqo raadin  u Magacaabay Dilkii Galkacyo loogu geestay shekh cali dhere
____________________________________________________________________________

May 17 2021

 

Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  ayaa sheegaya in uu Magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qoor Qoor ayaa Guddiga uu magacaabay in ay Sameeyaan baaritaano Deg deg ahWaxayna ka kooban yihiin todoba qof  oo kala ah:

1 – Muumin Xuseen Cabdullahi (Guddoomiye)

2 – Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye ku xigeen)

3 – Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)

4 – G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5 – X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)

6 – Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7 – Cabdirisaq Khaliif Aadan (Xubin)

Sidoo kale 11-kii bishan ayaa meydka Sheekh Cali Dheere oo laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaa laga helay deegaan u dhow magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post