1242 Views

Baraha Bulshada: Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok

Baraha Bulshada: Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

Kaamirada waxay ahaan jirtay mid ay ku soo caan-baxaan xiddigaha caanka ah ee filimada iyo wariyeyaasha telefishinnada, kuwaas oo heystay fursad khaas u ah oo ay qaabkaas lacag ugu sameeyaan, balse Baraha Bulshada oo uu hoggaamiyo TikTok ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday arrintaas.

Waxay sahleen in qof walba uu soo hor istaagi karo kaamiro uuna caan noqon karo isagoo waliba lacagna ku sameynaya qaabkaas.

Tiktok wuxuu fududeeyay in kamirada telefoonnada uu ka faa’iideysto qof walba oo daneynaya, qaarkoodna waxay bil kasta ka sameeyaan kumannaan doolar.

Kuwo badan oo ka mid ah dadka isticmaala bartan bulshada isku xirta waxay u tahay isha ugu muhiimsan ee ay kasoo saaraan dhaqaalaha iyo nolol maalmeedkooda aasaasiga ah.

BBC-da ayaa la hadashay labo qof oo app-kan isticmaala ayna u suurtagashay inay lacago ka sameeyaan. Waxay noo sheegeen in ay jiraan habab kala duwan oo dhaqaale looga heli karo TikTok.

Xagey ka imaataa lacagta?

Maxamed Al-Ghandour waa khabiir ku xeel dheer habka suuq geynta loogu sameeyo dhinaca obline-ka iyo baraha bulshada, oo mid ka mid ah uu yahay TikTok.

Isaga qudhiisa waxa uu bartaas ku leeyahay qiyaastii nus malyan qof oo ku taxan bogiisa.

Wareysiga uu siiyay BBC-da laanteeda afcarabiga ayuu ku sharraxay saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok.

1- Taageero toos ah

 

Qaabka ugu horreeya waa “caawinaad toos ah”, taasoo dadka isticmaala TikTok ay bixiyaan mararka ay daawanayaan muuqaallo toos loo baahinayo, halkaasoo qof kasta uu ku yaboohi karo inuu si samafal ah ugu deeqo lacag uu siinayo qofka muuqaalka leh, taas oo uu ku muujinayo mahadcelin iyo sida uu uga helay xogtaas loo soo gudbiyay ama madadaalada.

Lacagtaas marka dambe shirkadda TikTok ayaa xoogaa yar ka reebata ka hor inta aan loo sii gudbinin qofka loo waday.

2- Xayeysiin suuq galin ah

 

Qaabka labaad waa hab heshiis ah oo xayeysiin suuq galin ah loogu sameeyo shirkadaha, taasoo Al-Ghandour uu ku tilmaamay sida lacagta ugu badan looga helo TikTok.

Shirkado cayiman ayaa lasoo xiriiraya qofka waxayna ka codsanayaan inuu u suuq galiyo badeecooyinkooda kaddibna waxa uu gado laga siiyo saami la isku afgartay.

Qofka taageerayaasha badan leh waxa uu sidaas ku suuq galinayaa wax soo saarka shirkadda isagana lacagtii ayuu wax ka helayaa, waxayna mar walba ku xiran tahay sida uu u dadaalo iyo sida ay taageerayaashiisu u badan yihiin.

Al-Ghandour waxa uu diiradda ku saaraa TikTok xayeysiimo uu u sameeyo shirkado iibiya qalabka online-ka loo isticmaalo.

Waxa uu sheegay in mararka qaar saamiga dadka qaabkan wax u xayeysiiyo ay helaan uu gaari karo ilaa 60% iyo wax kasii badan oo ka mid kharashka sheyga la iibiyay.

Al-Ghandour, oo ah nin hadda ku jira da’da soddomeeyada, waxa uu noo sheegay in alaabta uu heshiiskan ku iibiyo uu bil walba ka helo lacag dhan 1,000 ilaa 3,000 oo doolar.

Hase yeeshee isagu gabi ahaanba TiokTok uguma tiirsana dhaqaale ahaan, maadaama uu agaasime ka yahay shirkad qalabka korontada iibisa oo fadhigeedu yahay Sacuudiga.

3- Talooyin la siiyo dadka

 

Qaabka saddexaad ee lacag looga helo TikTok waa in dadka kugu xiran la siiyo talooyin dhinacyada kala duwan ah, markaasna TikTok waxaa loo adeegsanayaa oo kaliya in lagu soo gudbiyo adeeggaas.

Cashirradaas ayaa dadka tooska u soo dalba looga qaadaa lacag u qalanta adeegga la-talin ee la siinayo.

TikTok waa adeeg u furan qof walba oo doonaya inuu isku soo bandhigo shakhsi ahaantiisa iyo waxa uu doonayo inay dadka kale ka faa’iidaan.

Xiddigaha TikTok

 

Adeegga Tiktok ee ay ku taxan yihiin dad lagu qiyaasay labo bilyan oo ruux ayaa caan ku noqday in lagu soo gudbiyo waxyaabo kala duwan, laga billaabo cunto karinta ilaa majaajilada.

Madadaalada ka sokoow waxaa oo adeegsadaa in lagu faafiyo cashirro isugu jira waxbarasho, ciyaaro, barashada luuqadaha, horumarka bani’aadanka iyo sidoo kale siyaasadda.

Shirkadda Shiinaha ee iska leh TikTok, oo lagu magacaabo “ByteDance” waxay dhawaan kordhisay waqtiga muuqaalka la duubi karo oo markii hore aad u koobnaa, haddana la gaarsiiyay ilaa saddex daqiiqo.

Tallaabadaas ayaa dadka adeegsada siineysa fursad dheeraad ah oo ay macluumaadkooda ku gudbiyaan si ay dhaqaale uga sameeyaan.

Ramy Assaf, oo ah cilmi baare dhinaca internet-ka oo fadhigiisu yahay Britain ayaa BBC-da u sheegay in dadka isticmaala TikTok oo u badan dhallinyaro ka hooseeya 20 sano ay si degdeg ah ugu noqdeen xiddigo caan ah oo taageerayaal badan leh, kuwaasoo xitaa doonaya inay lacago siiyaan.

Assaf ayaa sheegay in taageerayaasha ku xiran xiddigaha TikTok qaarkood ay bil walba siiyaan lacag u dhaxeysa 10-50 doolar iyagoo taas baddalkeedana ku raaxeysanaya muuqaallada joogtada ah ee loo soo sameeyo, taasoo markii dhan laga eego la mid ah soo iibsashada filimada la daawado.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post