420 Views

Galmudug oo Dhismaha Golaha Degaanka ka Daahfurtay Degmada Cadaado

Galmudug oo Dhismaha Golaha Degaanka ka Daahfurtay Degmada Cadaado
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 13, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Ayaa Degmada Cadaado ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Cadaado.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha gudaha, Xildhibaano katirsan Galmudug, Siyaasiyiin reer Galmudug ah Iyo Maamulka Degmada Cadaado xubno ka socday hay’adda FCA iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee Cadaado.

Guddoomiyaha degmada Cadaado oo munaasabada hadalo furitaan ah ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaarsan yihiin ku wareejinta xilka cidii la doorto, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in degmada Cadaado ay yeelato Markii sedaxaad gole degaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Abdi Mohamed ayaa codsadey in lala fududeeyo dhismaha golaha degaanka Cadaado isagoo xusey in bulshadu ay fursad u heli doonto inay soo doortaan golaha degaanka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) ayaa kawaramay faa’iidada shacabka Reer Cadaado ugu jirta iney sameystaan gole degaan oo la xisaabtama maamulka Degmada..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post