2142 Views

Ciidamada mucaaradka Suuriya oo ka baxay Quneitra

Ciidamada mucaaradka Suuriya oo ka baxay Quneitra
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 23, 2018 – Dhowr kun oo dagaalyahannada Mucaaradka Suuriya ah ayaa isaga baxaya  si iskood ah gobolka koofurta galbeed ee dalkaasi ee Quneitra waxayna u guureen Gobolka Idlib oo dhaca waqooyi galbeed, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka ee jooga Suuriya.

“Dhowr kun oo Askari ayaa isku raacay in ay ka baxaan degmooyinka kuyaala gobolka Quneitra, xagjirayaasha ayaana la tagay qoysaskooda,” ayuu yiri afhayeenku.

Dib-u-heshiisiintii ay gaareen dawladda iyo mucaaradka hubaysan ee Quneitra ayaa u muuqata inay hirgaleyso sida ay dad badan aaminsan yihiin.

Heshiiska dib-u-heshiisiinta, qeyb ka mid ah waxa uu ahaa in mucaradku ay is dhiibaan oo ay nabadda qaataan, inkastoo qaar kamida mucaaradka ay diideen inay hubka dhigaan ayna u guuraan Idlib.

Suuriya ayaa gashay xaalad dagaal sokeeye ah tan iyo 2011, iyada oo ciidamada dawladdu la dagaallamayaan kooxo mucaarad ah iyo kuwa loogu yeero argagaxisada, oo ay ka mid yihiin Jabhadda Al-Nusra.

 

.

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment