1134 Views

Ashish Vidyarthi waa jilaa caan ku noqday doorka laadarnimada ee filimada Bollywood-ka Hindiya

Ashish Vidyarthi waa jilaa caan ku noqday doorka laadarnimada ee filimada Bollywood-ka Hindiya
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Ashish Vidyarthi waa jilaa caan ku noqday doorka laadarnimada ee filimada Bollywood-ka Hindiya, laakiin lixdii sano ee ugu dambeysay shirkaddaas lama uusan shaqeynin.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa la isweydiinayay halka uu jaan iyo cidhib dhigay Ashish oo muddo dheer daawadeyaasha filimada Bollywood-ka ay jeclaayeen inuu filim walba kasoo muuqdo.

Muuqaal dhawaan laga soo duubay ayuu ku sheegay in meel walba oo lagu arko la weydiiyo waxa uu ku mashquulsan yahay iyo meesha uu jiro.

“Su’aashan waxay igu daba socotaa meel kasta, sida garoomada diyaaradaha, makhaayadaha iyo goob walba oo ay dadku igu arkaan. Waxay i dhahayaan ‘walaaloow xageed ku maqan tahay? maxaad sameysaa?’,” ayuu yidhi Ashish.

Ninkan oo ay Soomaalidu u taqaanno “Inder Saxena” – oo ah magaca uu ku jilayay filimkiisii Ziddi – ayaa tan iyo 2015-kii u xuub siibtay jilitaanka filimada loo yaqaanno Kollywood-ka.

sagoo ka jawaabaya su’aasha laga wada sugayay ee ahayd waxa uu sameeyo ayuu yidhi: “Waligeyba waxaan rabay inaan sameeyo filimo wanaagsan, nolosheyda oo dhanna taas ayaan ku dadaalayay laakiin hal xirfad oo kaliya inaan ku ekaado ma dooneynin.”

“Lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaan si khaas ah uga qeyb qaadanayay jilitaanka filimada ku baxa luuqadaha Hindi, Tamil, Telegu iyo Malayalam. sidoo kale waxaan ka shaqeeyaa howlaha samafalka iyo dhiirrigalinta dadka u baahan in nolosha lagu hago,” ayuu yidhi.

Ashish oo xirfadda jilitaanka ku biiray sanadkii 1994-kii waxa uu kasoo muuqday in ka badan 200 oo filim, kuwaasoo badankood uu ka ahaa laadar awood badan.

Filimkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa “Droh Kaal” oo ay sidoo kale ku wehlinayeen jilayaasha kala ah Om Puri, Naseeruddin Shah iyo Mita Vashisht.

Bishii March ayaa jilaagan laga helay cudurka Covid-19, dhawaanna wuxuu sheegay in uu ka caafimaaday oo baaritaankii kale ee uu maray looga waayay.

Ashish Vidyarthi wuxuu 19-kii bishii June ee sanadkii 1962-kii ku dhashay magaalada Kannur ee dalka Hidniya. Hadda da’diisu waa 58 sano.

Sanadkii 1995-kii waxaa abaalmarinta Filmada ee qaranka lagu guddoonsiiyay inuu noqday laadarka ugu wanaagsan kaddib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay.

Sanadkii 2006 ayaa sidoo kale abaalmarinta laadarka ugu fiican lagu siiyay filimada ku baxa luuqadda Telegu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post